News » Gobolka
Wararkii ugu dambeeyay ee rabshadaha ka dhacay Masjidka Jamie ee Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
Jimco, January 15, 2010(HOL): Rabashadahan oo gacan ka hadal watay isla markaana dhacay maanta Salaaddii Jimcaha kaddib ayaa wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac faro badan ay jirto, iyadoo dhimashada ay ku dhowdahay toban ruux, halka dhaawacuna uu tiro badan yahay
Read more : Comments() : Jan 15, 2010
Horumarka ka Socda Gobolka Cayn oo Sii kordhaya Hoteladda Waawayn Oo Ku soo Badanaya Buuhoodle.
Kobaca horumarka iyo dhismayaasha oo marba marka ka danbaysa kor u sii kacaya ayaa waxaa mudooyinkan danbe magaalada Buuhoodle ku soo badanaya dhismayaasha huteelada hurdada ee waawayn.
Read more : Comments() : Jan 03, 2010
Garaadadii SSC ee ku sugnaa Nairobi oo maanta u dhoofay UAE
Sadexda Garaad ee kala, Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaad Abshir Salaax Maxamed iyo Garaad Cali Buraale Xasan oo mudo ku sugnaa Magaalada Nairobi oo shirweynii Horseed ee Beesha SSC u fadhiyey halkaa ayaa waxay maanta gelinkii danbe ka dhoofeen gigida Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport.
Read more : Comments() : Nov 06, 2009
Laascaanood Oo Weli Bandow ah, Daawo Sawiradii Qaraxa ka dib
Lasanod:(dhanbaal)-Magaalaga Laascaanood ayaa wali waxaa saran bandow xagga gaadiidka isu socodkiisa ah, iyada oo ay ku xanban yihiin kantaroolada magaalada laga soo galo gaadiid aad u badan oo sida badeecado kala duwan
Read more : Comments() : Nov 02, 2009
Ururka darwiish youth organization ssc ee xagardheere beesha ssc oo loodoortay gudoomiye, kuxigeen iyo xubna kale
Ururka dhalinyarada reer SSC ee xagar-dheer ayaa kulankoodii ugu dambeeyey lagusoo bandhigay dhammaan xubnaha katirsan ururka ee xilka loo dhiibay.Shirkan oo kadhacay Hagafe hotel ee xagar-dheer ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya danta guud ee reer SSC.
shirka ayaa waxa uu ku furmay jawi aad u wanaagsan kaas oo dhammaan kasoo qaybgalayaashu ay aad ugu maqsuudeen..
ugu horayntii waxaa aayadaha quraanka kariimka ah kasoo jeediyey
Sheekh C/qani C/casiis C/raxmaan
Read more : Comments() : Nov 01, 2009
Baaq ay soo saareen aqoon yahano u dhashay SSC oo ku sugan garoowe
Baaqan oo ah mid lagu taageerayo hogaanka cusub ee SSC iyo ururka NSUM kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu ka qaatay shirka horeseed ee beeshu ku qabsatay Nairobi. baaqan oo ay soo saareen aqoonyahano iyo waxgarad u dhashay SSC wuxuu u qoraa sidan
Read more : Comments() : Oct 20, 2009
Garaadadii oo ansixiyey Go'aankii shirka iyo madaxdii Hogaanka
Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo xalay lagu qabtay qasriga ay sedexda Garaad ka degan yihiin magaalada Nairobi. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Gudiga jaaliyada East africa, ururka NSUM,aqoonyahano ka mida ergooyinkii shirka ka qayb galay iyo madaxdii hogaanka cusub.
Read more : Comments() : Oct 13, 2009
Gacan ku dhiiglihii oo la qisaasay
Waqtigii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaliya waa markii u horeysay ee gacan ku dhiigle lagu qisaaso magaalada Laascaanood mudo aad fog ka hor. waxaa saaka magaalada Laascaanood lagu qisaasay gacan ku dhiigle Ahmed Mohamed cawaale oo sanad ka hor aabihii dilay.
Read more : Comments() : Oct 10, 2009
Kismaanyo oo gacan ku haynteedi ay la wareegtay inta badan Alshabaab
Dagaal mudo dheer socday oo gaystay qasaare dhimasho iyo dhaawacb
a leh oo ay isaga horyimaadeen labada urur diimeed ee Alshabaab iyo xisbul islaam ee magaalada Kismaanyo ayaa waxaa hada gacanta ku haya magaalada inteeda badan Xarakada Alshabaab.
Read more : Comments() : Oct 01, 2009
Qiimaha alaabta,cuntada iyo xoolaha suuqa Laascaanood
Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sicirka alaabta, raashinka iyo xooluhu
suuqa laascaanod ka joogaan. Sicirka alaabta ee magaalada laascaanood waa kuwo maalin kasta is bedela oo ku xidhan halka uu maalinta dollarku marayo.
Read more : Comments() : Sep 29, 2009
Gudiga Nairobi iyo ururka NSUM oo baaq soo wada saaray
Ururka NSUM iyo gudiga Nairobi ayaa saaka baaq wada jira
soo wada saaray oo ay ku muujinayaan inaan wax khilaafi jirin isla markaana ay danta dalka iyo dadkaba meel uga soo wada jeedaan.
Read more : Comments() : Sep 27, 2009
Madaxweynaha Puntland oo ka soo gaaray Garoowe

Galabta ayaa Waxaa Soo Gaadhay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Wefti uu hugaaminaayo Madaxweynaha Puntland Oo ka Soo Kictimay Magaaladda Galkacayo ee Xaruunta Gobolka Mudug Oo ay Mudooyinkaan ku suganaayee.
Madaxweynaha Iyo Weftigiisa ayaa Waxay ka Soo amba baxeen Magaaladaasi Galkacayo Subaxnimaddi Horre ee Saaka iyagoona Soo Maray Meelo badan Oo ah Tuulooyinka u Dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Galkacayo Halkaasi Oo lagu Soo Dhoweyey Madaxweynaha iyo Madaxdii Kale ee La Socotay.
Read more : Comments() : Sep 11, 2009


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







