index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Wadaad Tansaaniyana oo culimada Hargeysa muran iyo khilaaf ka dhex istaadhey

Hargysa:-Wadaad 21 jir ah oo u dhashay dalka Tansaaniya magaciisa la yidhaahdo Sheikh Sheriff Makididi oo beryahanba ku sugnaa Somaliland ayaa joogitaankiisu muran iyo khilaaf weyn ka dhaliyey gudaha
 

Hargeysa ka dib markii wadaadkan Makadidi oo xukumada Siilaanyo ka barakaysanaysey kuna tilmaantey WELI muran ka dhex dhaliyey culimada reer Hargeysa.

Sh.Sheriff Makididi ayaa hargeysa soo gaadhey shan cisho ka hor waxaana safarkiisa iyo hawlgalada diineed ee uu ka wado somaliland markiiba  majaraha u qabtay amaba gadhwadeen ka noqdey Culimada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo uu gudoomiye u yahay Sheikh Maxamed X.Maxamuud Xiirey oo bedelay asaasihii culimadaa Xaaji Dool oo dhawaan geeriyoodey.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland SH.Khaliil ayaa isna dhinaciisa soo dhaweynta Sheikh Sheriff qeyb weyn ku lahaa una geeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo la sheegay inuu ku qaabiley xafiiskiisa madaxtooyada casharna uu u tufay ama ka barakaystey. Sidoo k ale ayaa madaxweyne Siilaanyo casuumad hadhimo ah oo uu kaga barakaysanayo Sheikh Sheriff Makadidi ugu sameeyay qasriga madaxtooyada halkaas oo Sheikh Sheriff makadidi  weel ugu tufay karaamo iyo cashar.Ku darsoo weliba shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Samaale ayaa iyaguna xalay casuumad casho ah oo ay ka barakaysanayeen Sheikh Sheriff Makadidi ugu sameeyay Hotel Amabsadoor halkaas oo uu cashar ugu tufay cagado ay siteen oo biyo ku jireen.


Shirgudoonka golaha wakiiladu Somaliland Cirro iyo Samaale ayaa xalay shaaciyey in Sheikh Sheriff Makadidi saaka uu speech ama khudbad ka jeedin doono fadhiga golaha wakiilada oo la sheegay in intooda badani wataan caagado ama weel oo ay doonayaan in sheekhu cashar ama karaamo ugu tufo.

Sheikh Sheriff Makadiidi oo markii hore ee uu yimi Hargeysa xukumada Siilaanyo si weyn u soo dhaweysay una dejisay Hotel Hargeysa Club ayaa la sheegay in laga wareejiyey hotelkaas loona wareejiyey hutee l kale oo ku yaala magaalada dhexdeeda markii dumarkii Reer Hargeysa oo wada caagad iyo madiibad wata oo doonaaya inuu Sheikh Sheriff cashar iyo karaamo ugu tufo buux dhaafiyeen agagaarka Hotel Hargeysa Club.Sheikh sheriff ayey aad uga hinaaseen kana cadhoodeen qaar badan oo ka mid ah culimada Hargeysa ka dib markii magaaladii ay labataneeyada sano wadaada ka ahaayeen uu kaga hawlgal iyo galaangal batey.

Dhinaca kale waxaa ka bilaabmay Hargeysa masaajidada qaarkood khudbado iyo doodo lagu diidan yahay dhaqdhaqaaqa iyo joogitaanka Sheikh Shariff Makadidi oo sheegay inuu bilaabi doono barakadiisa, daaweyn doonana dadka qaba xanuunka istarooga ama baralayska kaas oo dadweynaha reer Hargeysa safaf dhaadheer u soo galeen. Sheriff Makadidi ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelinaaya niman qaarkood sheegeen inay asal ahaan ka soo jeedaan Somaliland balse hadda haysta dhalashada iyo jinsiyada dalalka East Africa ee Sheriff Makididi ka soo kicitimay.

Sheriff Makididi oo ay u qorshaysanyd inuu tago magaalooyinka Burco iyo Boorama ayaa xukumada Siilaanyo hakisay markii culimada reer Hargeysa isku khilaafeen hawlgalada diineed ee uu ka wado Somaliland oo shaki badani ku xeeran yahay,Qaar badan oo culimada waaweyn ka mid ahina ka soo horjeesteen inkastoo culimada gadhwadeenka ka ahi ku doodayaan inuu Sheikh Sheriff Makadidi hawl diineed qiimo weyn leh Somaliland ka wado.

Isku soo wada duuboo madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici ayaa labaduba ka barakaysay sheekhan Sheriff makadidi siiyeena sahay wacan balse culays kaga imanaaya culimada reer Hargeysa awgeed ayey arintiisa hadda ku xawileen wasiirka awqaafta Sheikh Khaliil oo aad moodo hadda inuu laba talaabo dib u qaadey markii qaar badan oo ka mid ah culimadii reer hargeysa farta ku godeen.


Xigasho
Qarannews
Hargeysa

 

dhanbaalnews@yahoo.com

 

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

Wararkii u dambeeyey