index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Soomaaliya oo ku Guulaystay Bandhig-dhaqameed lagu Qabtay Dalka Malaysia

Bandhig-dhaqameed lagu magacaabo “Ummatic Week” oo socday 4 maalmood ayaa maalintii Khamiista oo taariikhdu ahayd 4th Maarso 2010 lagu soo gabagabeeyey caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. Bandhig-dhaqameedkan oo ay sanadkan ka qeyb galeen 32 wadan, ayaa waxaa lagu qabtay xarunta “Cultural Activity Centre” ee ku taala jaamacada International Islamic University Malaysia. Tartankan ayaa ahaa mid aad u adag iyada oo wadan waliba ku dadaalay sidii uu guul weyn u gaadhi lahaa, balse muddo afar maalmood ah ka dib, waxaa isu soo hadhay 3 wadan oo kala ah: Soomaaliya, Malaysia, ee Suuriya

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia degan waxaa tartankan uga qeyb galay ururka ardayda Soomaaliyeed oo ah lafdhabarta jaaliyadda Soomaalida ee degan Malaysia. Ardayda Soomaaliyeed oo looga bartay ciyaar wanaag ayaa kumanaan qof ay sugayeen ciyaarta ay caawa soo bandhigi doonaan. Sidoo kale boqolaal ka tirsan Soomaalida degan Malaysia ayaa soo buux dhaafiyey hoolka tartanku ka dhacaayey si ay taageero u siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Waxaa hal mar is qabsaday sacabka iyo sawaxanka ka dib markii ardayda Soomaaliyeed oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida ay soo galeen hoolka tartanka, isla markiiba waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey heesta astaanta u ah qaranimada Soomaaliya ee ah “Soomaaliyey Toosoo, Toosoo isku Tiirsada e, Hadba kiina Taag daranee Taageero Waligiinee”.

Dhalinyaro aad u da’ yar, balse kalsooni badan qaba ayaa isla markiiba bilaabay ciyaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida, ciyaartaas oo ah nooca loo yaqaano “dhaantada”. Waxaa dadkii ka soo qeyb galay tartanka si aad ah u soo jiitay qaabka wacan ee ay ardayda Soomaaliyeed jaanta isula helayeen. Waxaa iyaguna sacabka iyo taageerada marnaba kala joojin Soomaali aad u tiro badan oo fadhiday qeyb kasta oo ka tirsan hoolka. Intaas ka dib waxaa iyaguna ciyaar wanaagsan soo bandhiga arday ka socotay dalka Malaysia, waxaana ku xigay arday ka socotay wadan Suuriya.

Waxaa la soo gaadhay xidhitaankii tartanka, dadkuna waxa ay u wada dhaga-taagayeen dalka ugu horeeya oo loo yeedhi doono. Sidii markii horeba la filaayey, waxaa lagu dhawaaqay magaca dalka Soomaaliya, taas oo mar qudha sacabka iyo sawaxanku is qabsaday. Kaalinta labaad waxaa galay dalka Malaysia, kaalinta sadexaadna Suuriya.

Tartanka waxaa dawlada Malaysia uga soo qeyb galay Xoghaya Guud ee dawlada Malaysia Tan Sri Maxamed Sidiiq Xassan, madaxda jaamacadda, iyo in ka badan 10 safiir oo ka socday wadamada ka qeyb galayey tartankan.

Dhinaca Soomaalidana waxaa uga qeyb galay Xoghaya Labaad ee Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Indonesia Mudane Cabdi Salaan Cismaan Cabdi iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia Dr. Maxamed Cabaas. Waxaa kale oo labada mas’uul ku weheliyey madasha mudane Yaasir Maxamed Axmed (Yaasir Baafo) oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ardayda Soomaalida Malaysia.

Safaaradaha degan Malaysia ayaa lacag badan ku bixiya sidii ardaydoodu ugu guulaysan lahaayeen tartankan. Dhinaca kale, dhaqaalaha ay ardayda Soomaaliyeed kaga qeyb galeen tartankan ayaa ahaa lacago ay ardaydu dhexdooda iska aruuriyeen. Waxaa kale oo xusid mudan iyo ardayda guusha weyn u soo hooyey Soomaaliya ay da’doodu aad u yar tahay, qaar ka mid ahina ay dibadaha ku dhasheen oo ilaa hadda aysan Soomaaliya arkin.

Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka Guud
Jaaliyadda Soomaalida Malaysia

somalicommunitymalaysia@gmail.com

Arday Malaysian ah oo tijaabinaya colob

Arday Soomaaliyeed

Arday Soomaaliyeed oo faraxsan guusha ka dibAxmed (Mawliid) oo ka tirsan ururka ardayda Soomaaliyeed

Gabdho Malaysian ah oo ka helay cunto Soomaali

Qoys carbeed oo ka helay colobta Ardayda Soomaaliyeed soo bandhigeen

Xubnihii Ardayda Soomaaliyeed ee guusha soo hooyey

Soomaaliya oo soo bandhigtay dhaqankeeda

Yuusuf Calanside oo ka dhex muuqda wadamadii ka qeyb galay bandhig dhaqameedka Ummatic Week 2010 linkscolor = "000000"; highlightscolor = "888888"; backgroundcolor = "FFFFFF"; channel = "none";  

 

 

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

 

 

CUQAAL JS

Wararkii u dambeeyey

Who is online

4 anonymous users and 0 registered users online.

You are an unregistered user or have not logged in. You can register here.