index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Xasan Daahir Awyes "Axmed Madoobe waa sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam, ninka Gedo ka hadlay ra'yigiisa waa sheegi karaa,

Hogaamiyaha Ururka Xizbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa markii u horeysay ka hadlay ku biiristii Shabaabka ku biiray Shiikh Xasan Turki oo ahaa kuxigeenkiisa, isagoona sheegay in Axmed Madoobe uu ka tirsan yahay Xizbigiisa.


 


Shiikh Aweys ayaa si kulul u weeraray qaabka uu Xasan Turki ugu biiray Shabaab, isagoo tilmaamay in aanu kala tashan ku biiristiisa, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Xizbigii uu aas aasay uu meel cad uga tago.

"Shabaab ayaa ka awood badan Xizbul Islaam darteed inuu Shiikh Xasan ugu biiro waa wax ayaan daro ah"ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlayay Masaajidka Abuu Hureysa salaadii jimcaha kadib.

Su'aal ay weydiiyeen jameecadii Masaajidka oo aheyd in Sarkaal ka tirsan Xizbul Islaamka Gedo hadal uu ku sheegay in Axmed madoobe aanu ka tirsaneyn ayuu taasi si kulul ugu jawaabay.

"Axmed Madoobe waa sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam, ninka Gedo ka hadlay ra'yigiisa waa sheegi karaa, Laakiin maamul ahaan uma dhihi karaa xataa Diin ahaan"ayuu yiri Shiikh Aweys oo hadaladiisa ahaayeen kuwo ay kalsooni iyo geesinimo ku dheehnaayeen.

Sidoo kale Shiikh Aweys ayaa soo hadal qaaday khilaafka Shabaab kala dhaxeeya, waxaana uu sheegay in taasi laga gudbi karo, hase ahaatee ay sii adkeyneyso waxyaabaha gaar ahaaneed iyo saraakiisha ku biireysa.

"Hadee Xasan Turki aas aasayaashii Xizbiga ayuu ahaa, maanta inuusan nala tashan oo uu ku biiro Shabaab, xataa Axmed Madoobe oo seedigiis ah oo walaashiis qaba uma sheegin"ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo aad u dhoola cadeeyay, markii uu hadalkaas yiri.

Hadalka uu jeediyay Shiikh Xasan Daahir ayaa u muuqda mid si gaar ah u duraya Kuxigeenkiisa hore Xasan Turki oo hada Shabaab ka mid ah, waxaana arrintan ku soo beegmeysaa xilli beesha uu Xasan Turki u dhashay ay kulan la qaateen Saraakiisha sar sare ee Shabaab, isla markaana kaga dalbadeen in aanay taageerin Axmed Madoobe

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

 

 

CUQAAL JS

Wararkii u dambeeyey

Who is online

6 anonymous users and 0 registered users online.

You are an unregistered user or have not logged in. You can register here.