Sheekh Shariif Sheekh Amx’ed ayaa Maanta Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Dagaalka kula jira Dowladiisa iyo Ciidamada Shisheeye ugu baaqay inay nabad laqaataan DKMG, wuxuuna sidoo kale ka hadlay arimo dhowra.
News
Sh Shariif:“Al-Shabaab & Xisbul Islaam waxaan ugu baaqayaa inay qaataan nabadda”.
on 4 Mar, 2010 2:42 PM
Sh Shariif oo Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qabtay Shir jaraa’id oo dhinacyo badan taabanaya ayaa ugu horeyn Xoogaga Dagaalka kula jira ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ugu baaqay inay Dagaalada Joojiyaan isla markaana Wadahadalada ogolaadaan.
Sh Shariif oo arinkaan ka hadlaya ayaa yiri:“kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ee ay kamid yihiin Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam Diinta Islaamka waadiin naxariis ah waana diin midnimo waana diin shacabka Soomaaliyeed ku soo gaartay qaabwanaagsan oo dacwo wanaagsan ah maanta Dadka Soomaaliyeed diin ahaan iyo Xaalad ahaanba uma baahna in layiraahdo xabad baa leydinku toosinaa waxay u baahan yihiin wixii diintu nafartay oo ah inaan wanaag u sameyno inaan u gurmano inaan u gargaarno inaan ka shaqeyno mid nimadooda… marka waxaan rabaa inaan ugu baaqo inay ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatada, Dilka, Cabsigalinta boobka hantidooda iyo dhamaan wixii aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka oo dhan, waxaan ugu baaqayaa inay qaataan nabada nabad wax kawanaagsan malaha”.
Wuxuu sheegay in Mamnuucistii WFP ee Al-shabaab iyo Khilaafka hay’adaas kala dhaxeeya Mareykanka ay sii xoojiyeen Macluusha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya wuxuuna yiri:“kooxahan Dowlada ka soo horjeeda Shabaab oo diiday in lagaarsiiyo Dadkii baahnaa gargaarka iyo khilaafka soo kala dhexgalay hey’ada WFP iyo Mareykanka inay intaba sii murjinaayeen dhibaatooyinka Shacabka waxaa lagamamaarmaana in lahelo xal dhexdhexaada maadaama waxa dhibaateysan shacabka Soomaalida ay yiihiin in lafiiriyo habka ugu wanaagsan ee shacabka wax loo gaarsiin karo”.
Waxa uu Sh Shariif soo dhaweeyey go’aan dhawaan ka soo baxay Dalka Ingiriiska oo lagu Mamnuucay Xarakada Al-shabaab wuxuuna sheegay inay arinkaa lasoo daaheen isagoona Dowladaha kale ku booriyey inay talaabo taas lamida qaadaan.
Lacagaha Madax furashada loo siiyo Burcad Badeeda ayuu ku tilmaamay kuwa sharci daro ah oo dhib u keenaya DKMG ah iyo Shacabka sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay inay xoojiyaan oo ay taageeraan DKMG si ay Dhamaan Dalka uga howlgasho


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







