index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) meel kasta baan ku dileynaa Al-Shabaab

Kismaayo:-Sh.Axmed Maxamed Islaam oo ka mid ah saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa warbaahinta u sheegay inay ugaarsan doonaan madaxada iyo saraakiisha Al-shabaab,Sheekh Axmed Madoobe ayaa yiri "Dagaallada aan kula jirno Al-shabaab waxay ka dhici doonaan Muqdisho iyo goob walba oo aan ku wada sugan nahay wuxuuna noqon doonaan mid dheeraada.
 


Shiikh Axmed Madoobe ayaa baaq u diray Culumada waxgaradka iyo ganacsatada Soomaaliyeed isaga oo sheegay in laga hortago manhajka Qaloocan ee ay wadaan Al-Shabaab .

Shiikh Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalada ka socda gobollada Jubbooyinka, cid walba oo xiriir la leh Ururka Al-Shabaabna ay dili doonaan.

Ahmed Madoobe ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ee J/hoose Xassan Yacquub isaga oo sheegay in ay dagaal kula jiraan Ururka ONLF waxaana uu yiri "Jabhadda ONLF waxaan u aqaan inay ka dagaalanto dalka Itoobiya, mana jirto wax garab ah oo aan ka helno, " .

Ahmed Madoobe ayaa ka hadlay qof ay ku gowraceen Al-Shabaab deegaanka Diif wuxuuna ku tilmaamay mid waxshnimo ah ,hadalka Sh Ahmed Madoobe ayaa yimid xili miino loo dhigay Suuqa Bakaaraha Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay ka bad baad een iyadoo saraakiil ka mid ah Al-shabaab ay sheegeen in raggii ku dhintay qarax ay ka tirsanaayeen Xisbul Islaam walow arinkaas ay beeniyeen Xisbul Islaam.

Ma jiro war ka soo baxay dhinac Al-shabaab oo ku saabsan  hadalka maanta ka soo yeeray Sh Axmed Madoobe oo ah Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo iyagu lagha saaray magaalada Kismaayo

 

dhanbaalnews@yahoo.com

 

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

 

 

CUQAAL JS

Wararkii u dambeeyey

Who is online

6 anonymous users and 0 registered users online.

You are an unregistered user or have not logged in. You can register here.